4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Tirada ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga oo la dhimayo

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL) –Dowladda Burundi ayaa sheegay in ilaa 1, 000 askari oo ka mid ah ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeyba ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM la baxayaan, kaddib markii uu sida ka codsaday Ururka midowga Africa.

Dowladda Burundi ayaa ah wadanka labaad ee ciidamada ugu badan ku deeqay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya marka laga soo tago Uganda waxaana Soomaaliya ka jooga 5, 400 Askari, waxaa sidoo kale ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Difaaca dowladda Burundi.

Guud ahaan marka la eego tirada ciidamada midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya oo ka socda ilaa shan wadan ayaa gaaraya 21,500 kuwaa oo taageero militari siinaya dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Ururro xagjir ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]