4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya

Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

Gaar ahaan Qaraxan warar kala duwan ka soo baxayaan ayaa ka dhacay Barkootarool oo aan ka fogeyn Tiyaartarka Qaranka, waxaana la arkayay Uurada Qaraxa oo cirka sare isku shareertay.

Lama oga in uu ahaa Weerar Ismiidaamin iyo in uu ahaa Qarax gaariga lagu soo raray oo goobta la dhigay, sidoo kale wali wax war ah kama aysan soo bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]