Muqdisho : Mas’uuliyiin iyo Aqoonyahanno ka qeybgalay Dood ku saabsan isbadallada Geeska Africa
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Dooddan oo ay
kaqayb-galeen ilaa 100 qof oo isugu jira Barayaal wax ka dhiga Jaamacado kala
duwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxaa soo qaban
qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee
magaalada Muqdisho.
Aqoon yahanka kaqayb-galay doodda ayaa si weyn u
lafaguray sababaha isbeddelka geeska Afrika, Waxtarka uu u leeyahay Soomaaliya
iyo mashaakilka uga imankara Soomaaliya haddii aanay si wanaagsan u la
falgelin, doood cilmiyeedkan ayaa xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan ee
Ummadda Soomaaliyeed uga qaybqaadan karto islamarkaana uga faa’iideysan karto
isdhexgalka iyo wax wadaqaybsiga kabillowday geeska Afrika.
Mascuud Weheliye guddoomiyaha Xarunta Xayaat ee
tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista oo furay dood-cilmiyeedka ayaa
carrabaabay sida uu ugu faraxsan yahay in kaadir iyo aqoon yahan badan ay kasoo
qaybgaleen dood cilmiyeedkan, islamarkaana ay soo bandhigaan wixii aragti iyo
cilmibaaris ah ee ay kaqoreen isbedelka kadhacay geeska Afrika.
“Nuxurka dooddu waa in ay qeexdo dabaylaha
isbeddelka ee ka dhacaya geeska Afrika ummadda Soomalaiyeed faa’iido miyaa ugu
jirta mise dhibaato ayaa ugu jirta” waxa aan Xayaat ayah dooneynaa in aan si
cilmi ah aan u qeexno arrintaas.
Dr: Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil oo ah bare sare
oo cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda kadhiga jaamacadda Helisinki ee dalka
Finland ayaa dood cilmiyeedka ku billaabay cilmibaaris kooban oo kusaabsan
sababta Isbeddelada iyo dabaysha geeska Afrika
Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: “Sidii ay u timid
aragtida la dagaalanka Argagixisada ee Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedku
ay horkacayeen kuna mashquuleen dagaalkaas waxaa dhacay in Raashiya iyo China
ay koraan dhaqaale iyo horomar weyna ay sameeyaan, Turkiga iyo China maalgashi
iyo xiriirballaaran ayay ka sameysteen Afriaka si gaar ah geeska Afrika, taasi
waxa ay Mareykanka tustay in saameyntiisa geeska Afrika ay hoos u dheceyso ama
ugu yaraan ay halisi ku wajahan tahay, sidaas awgeed waxa ay ahayd lama huraan
in Isbeddelka Itoobiya dhaco kaddibna uu ku faafo geeska Afrika”
Dr: Cabdirashiid ayaa yiri: Dareenka xagga Amniga
ah iyo welwelka nabadgelyadu kuma koobna Soomaaliya ee waxa uu wada quseeya
dhammaan waddamada iyo shucuubta geeska Afrika.
Dood-cilmiyeedka ayaa lafaguray Haysashada
gobolka geeska Afrika (Regional super power) iyo sida ay dowladuhu ugu
tartamayaan sidii ay u noqon lahaayeen awoodda iyo hormuud gobolka ee
hoggaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, aqoon yahanada kaqaybgalay
dood-cilmiyeedka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Raisalwasaare Abiy Axmed
ula heshiinayo Ereteriya, Soomaaliya iyo Jibuuti ay tahay in uu sameeyo
isbadbaadin siyaasadeed (Political survivor) si uu u sameeyo in Itoobiya ugu
yaraan ay sii ahaato hoggaanka gobolka.
Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo Bare Sharciga
kadhiga Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in 6 arrimood ay sababi doonto in
Soomaaliya aanay si wanaagsan uga faa’iideysan isdhexgalka iyo waxwadaqabsiga
geeska Afrika, sababahaas ayuu kusheegay
1. Maqnaanshaha waxyaabaha dowladda xoojiya sida
sarreynta sharciga, Isxukunka wanaagsan iyo kusalaysnaanta Qabiilka
2. Musuqa oo si xooggan ugu jira Nolasha
3. Dagaalka aan kujirno ee ururada iyo kan
dhexdeena
4. Bulshada ganacsiga ee sameysmay muddada ay
dowlad la’aanta ahayn
5. Waddamada dersika nala ah tusaale ahaan 1963
heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Kenya waxa uu kusaabsanaa in isbaheysi ay
yeeshaan Itoobiya iyo Kenya, heshiiskaas waxaa kujiray in Itoobiya iyo Kenya ay
yeeshaan isdhexgal dhaqaale iyo mid dadeedba halka ay qorsheeyeen in Soomaaliya
ay noqo
6. Iyo Waddamada reergalbeedka oo taageerada ay
siinayaan Soomaalida ay tahay mid ku kooban meel ciriiri ah.
Maxamed Axmed Maxamuud Sayid ayaa yiri: “Abiy
Axmed iyo Xayle Maryan Deselin (Haile Meriam Desaline) Waxa ay shaaciyeen in
Bangiga dhexe ee Itoobiya uu xubeero yahay oo aan wax lacag ah kujirin sidaas
awgeed Waddamo reer Galbeed ah oo Mareykanku u horreeyo ayaa Imaaraadka u diray
farriin ah in ay 3 Bilyan oo lacag ah ay siiso Bangiga dhexe ee Itoobiya si loo
badbaadiyo looguna sameeyo horumarin, ujeedku waxa uu ahaa in lacagta iyo
dhaqaalaha oo Itoobiya oo hoos u socday laga badbaadiyo dhibkaas dhaqaale
Haddii uu dhaco isdhexgal sax ah (true integration) Soomaalidu waxa ay ka
gelayaan meesha ugu sarreysa”
Xidlhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid
ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaqaybgalay doodda ayaa yiri:
“Labada walxood ee saldhigga u ah ilbaxnimada iyo
noloshu meesha aan Soomaali ahaan adduunka uga naal ayay yaallaan
Mid waa Xiriir (Communication) midna waa
Dhaqdhaqaaq (Mobility) dabaylaha kadhaca badweynta India oo aan qayb ka nahay
waxa ay fududeeyeen isdhexgalka iyo ilbaxnimada, waxa aad ogtihiin kaalinta aan
ku leenahay Soomaali ahaan Indian Ocean
Isbeddelka kadhacay Itoobiya kuma imaan xoog iyo
dagaal ee waxa uu kuyimid maamulkii Tigreega oo ahaa qowmiyad laga tirada badan
yahay oo dadkiisii gacan bir ah ku qabtay si adagna u maamulay oo meesha
kabaxay, isbeddelkaas waxa uu ahaa lagama maarmaan
Madaxaweynaha Eretria ayaa igu yiri waadnaan is
ogeyn ee haddii aad u maleysaan in aad Afrika Seynta uga taallaan waxa aad u
tihiin Afrika horyaal. Itoobiyana idinka ayay idin dabakacdaa ee ma ogidin:
1969kii ayaad kacdoon milateri sameyseen,
Itoobiya oo caabudu jirtay Xayle salaase ayay rideen, waxa aad qaadateen
Hantiwadaagga cilmiga kudhisan iyaga oo Mareykan la haysta ayay kategeen oo
Midowgii Sofiyeeti, 1991 inqilaab nidaamkii ayaad riddeen iyaguna 3 bil kaddib
ayay rideen, 20 sano waxaa haystay maamul tigree la yiraahdo oo ah kuwa laga
badan yahay”
Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah aqoon yahankii
kaqaybgalay doodda ayaa sheegay in Soomaalidu haysato dhowr fursadood oo ay
isbeddelka kadhacay geeska Afrika kuwajihi karaan, waxaa uu sheegay in
fursadahaas ay mid walba leedaha halisteeda, waxa uu yiri:
1. Isdaadraacin oo u baahan xirfad iyo
waaya-aragnimo si aan uga badbaadno
2. Ka hortegid oo aan maanta suuragal ahayn,
sababtuna waa in aanay jirin awood dhaqaale iyo mid dadeed oo nagu caawin karta
arrintaas
3. Kafaa’iideysi oo ah tan ugu fiican uguna
waxtarka badan, sida aan uga faa’iideysaneyno waxa ay u baahan tahay hay’ado
dowladood oo dhisan xoog leh yaqaanana meesha ay u socdaan.
4. Muquurasho oo iyaduna u baahan xirfad weyn oo
ka xooggan kana badan tan isdaadraacinta.
Dhismaha Hay’adaha dowladda
Aqoon yahankii kaqaybgalay doodcilmiyeedka ayaa
muujiyey yididiilo iyo Quus isdabayaal oo ay yididiiladu kabadan tahay quusta,
waxa ay sheegeen in kaddib 18 sano oo ay socotay shaqada dib u dhiska dowladda
Soomaaliyeed ay hay’adaha dowladdu maanta leeyihiin yididiilo fiican oo ay
kumaareyn karaan isbeddelka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay kutaliyeen in
awood iyo xoog badan la geliyo dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Natiijada ka soo baxday dood-cilmiyeedka
Kaddib muddo 4 saac ah oo dooddan cilmibaaristu
socotay waxa ay aqoon yahanku islagarteen in ay muhiim tahay tixgelinta
qodobadan:-
1. Aqoonyahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku Waxa
ay hoosta ka xariiqeen ayna welwel kamuujiyeen in Isbedelka geeska Afrika uu
saameyn xun kuyeelan karo guud ahaan mustaqbalka iyo Jiilka dambe ee
Soomaaliyeed haddii aan si wanaagsan oo wax ku ool ah looga faa’iideysan
islamarkaana dowladda Soomaaliyeed aysan ula dhaqmin isbedelka si feejigan.
2. Aqoon yahanka kaqaybgalay doodcilmiyeedku waxa
ay si weyn u muujiyeen in dowlad ahaan iyo Ummad ahaan aanay dadka Soomaaliyeed
maanta u diyaarsanayn in ay isdhexgal la sameystaan dowladaga gobolka geeska
Afrika balse ay la sameysan karaan Iskaashi iyo waxwadaqabsi
3. Si looga faa’iideysto isbedelada Geeska Afrika
waa in la xoojiyo xarumaha cilmibaarista islamarkaana dhammaan go’aanada iyo tallaabooyinka
ay qaadeyso dowladdu eek u aaddan isbeddelada geeska Afrika agu saleeyo
cilmibaaris iyo xaqiiqo
4. Xoojinta iyo dhisidda hay’adaha dowladda
Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan la dhaqanka iyo lafalgalka isbedelka
geeska Afrirka.
5. In cilmibaaris rasmi ah laga sameeyo dhammaan
Isbeddelka geeska Afrika iyada oo la eegayo dhinacyada saameynta fiican iyo tan
xun ee Isbeddelkani ku yeelan karo Soomaaliya.
6. Xoojinta wadajirka iyo midnimada Ummadda
Soomaaliyeed
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]