4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Garaad Maxamed Xirsi oo lagu caleemo saaray Deegaanka Qararro ee gobolka Wardheer


Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Garaad Maxamed Xirsi Ducaale ayaa lagu caleemo saaray deegaanka Qararo oo ka tirsan Degmada Dannood ee gobolka Doollo (Wardheer) ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Munaasibada caano shubka waxa ka soo qaybgallay madax dhaqameed , waxgarad iyo shacab faro badan oo ka kala yimid deegaanadda Soomaaliddu degto, kuwaas oo garaadka cusub kula dardaarmay inuu ummada soomaaliyeed ee loo doortay cadaalad ugu shaqeeyo.

ka hor intaanay Xafladu bilaabmin, ayaa waxa Garaadka cusub si rasmiya ugu caano Shubay, Isimada iyo Cuqaasha Madasha ku sugnayd, kuwaasoo ugu duceeyey in alle Masuuliyada-dhaqan ee fuushay u fududeeyo.

Caano-shubka kaddib, waxa halkaasi khudbado ka kala duwna ka jeediyey Madaxdhaqameedyada, Siyaasiyiin, Masuuliyiin dawladdeed, cuqaal iyo Waxgarad.

Ugu horayn, waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha deegaanka Qararo Maxamed Maxamuud Jaamac iyo Caaqil Xarriir Aw Cali Barre oo kamida Cuqaasha Beesha uu ka soo jeedo Isinku cusub ee lagu caano shubay oo halkaa ka jeediyey kelmado isugu jira Mahad-naq iyo soo dhaweyn.

Waxa kale oo iyaguna halkaa hadallo ku taxaluqa dardaaran iyo duco ka jeediyey cuqaal iyo Waxgarad kamida Marti-sharafta munaasibadaas ku sugnaa.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Badda Cabdi Xirsi Ducaale oo ka mid ahaa Madaxda ka qaybgashay xaflada, ayaa garaadka cusub ku dardaaray inay dadku u sinaadeen kii kahor yimid iyo kii taageerayba uu oday u wada noqdo.

Gebagabadii waxa Xafladan khudbado isugu jira, Bogaadin, Baraarujin iyo kaftan ka jeediyey Hogaan-dhaqameedyada Munaasibada ku sugnaa, oo ay kamid yihiin Suldaan Cabdiqani Cismaan, Suldaan Maxamed Aw Cali Jaban, Suldaan Mowliid Suldaan Axmed Xaaji Cali Baalle, Suldaan Xasan Bayaxow iyo xubno kale oo madaxdhaqamedyo ah.

Gabagabadii waxa halkaasi kelmado kooban oo mahad-naq u badan ka jeediyey Garaad Maxamed Xirsi Ducaale oo dadweynihii ka soo qaybgallay caleemasaarkiisa u mahad celiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.