4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Dowladda oo ka tacsiyeeysay Dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay iyo Al shabaab oo sheegatay


Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal TV oo qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka agtiisa ku dhintay.

Wasiir Geelle, ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixiso Magaalada Muqdisho ka dhacay..

Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , haddana ka mid ahaa howl wadeennada Universal TV. 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]