Cabdiweli Gaas oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug


Sabti, December, 22, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug.

newsinsideWaxaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir, waxa uu beddelaya guddoomiyihii hore ee gobolka Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) oo xilka hayay tan iyo 23 bishii December ee sannadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo sidoo kale ah toddobaadkii hore shaaciyay inuu mar kale u sharraxanyahay xilka madaxweynaha ayaa is baddel ku sameeyay gobolka Mudug,iyadoo muddo toddobaadyo ah ay uga harsantahay muddada xil heyntiisa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]