3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Wariye Cawil Daahir Salaad oo ku dhintay Qaraxyadii saakay ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax-yo is xig xigay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan TV Universal oo lagu magacaabo Cabdicasiis OK ayaa goor dhaw u xaqiijiyay Hiiraan Online in  qaraxii hore  ee ka dhacay Tayaatarka uu ku geeriyooday Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa wariyayaasha Soomaaliyeed ee magac-weyn ku dhax lahaa warbaahinta Soomaalida isaga oo ka howlgalayay TV-ga Universal. 

Qaraxan Labaad ee ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, sidoo kale waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladii la soctay.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
12/22/2018 10:56 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

12/22/2018 8:46 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Wasiirka Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii la soo dhaafay leysla dhaxmarayay oo sheegayay in la xiray.

12/22/2018 7:39 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug.

12/22/2018 5:56 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigeen qofkii haggaha ka ahaaweeraradii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay maanta,

12/22/2018 5:04 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka agtiisa ku dhintay.

12/22/2018 1:55 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

12/22/2018 1:01 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – In ka badan 15 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo saacadihii ugu danbeeyay labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

12/22/2018 12:45 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in waddankiisu uu si ku meel gaar ah u hakin doono howlaha militari ee ka dhanka ah xoogagga Kurdishka ee uu Maraykanku taageero ee jooga woqooyiga bari ee dalka Syria, isagoo soo xiganaya wadasheekeysi khadka taleefanka ku dhex maray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadkii tegay.

12/22/2018 12:32 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Garaad Maxamed Xirsi Ducaale ayaa lagu caleemo saaray deegaanka Qararo oo ka tirsan Degmada Dannood ee gobolka Doollo (Wardheer) ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

12/22/2018 12:30 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – Dooddan oo ay kaqayb-galeen ilaa 100 qof oo isugu jira Barayaal wax ka dhiga Jaamacado kala duwan, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo culimada diinta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Xayaat ee tababarada hoggaamineed iyo cilmibaarista ee magaalada Muqdisho.

12/22/2018 12:21 AM EST
Sabti, December, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Burundi ayaa sheegay in ilaa 1, 000 askari oo ka mid ah ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeyba ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM la baxayaan, kaddib markii uu sida ka codsaday Ururka midowga Africa.