4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2018
Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanno dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galguduud

 

Sabti, December, 22, 2018 (HOL) – In ka badan 15 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo saacadihii ugu danbeeyay labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan dhaca xadka labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Maxamed Cabdi Cawaale oo VOA uga waramay warka ku saabsan dagaalkan ayaa sheegay in uu ka dhacay deegaanno lagu magacaabo Ceel-Baraf, Ceel Jiqow, iyo Agagaarka War-dhuumala leh,

‘’Dagaalku wuxuu dhaxmaray dad markii hore-ba isku soo guuray oo soo naq raacay oo qaarkood ku yimid dhinaca gobolka Galguduud iyo dadkii deegaanka ee loo yimid ayuu dagaalku dhaxmaray, Aanooyin hore oo Qabiil-na wey iska jireen, sidaa daraadeed ayuu dagaalku u qarxay’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Cawaale ayaa intaa ku daray in waayadii ugu danbeeyayba xaalada deegaanku aheyd mid deggan hasse ahaatee dagaalkan danbe uu ku qarxay si lama filaan.

‘’Khasaaraha inta aan ognahay marka la eego baaxada uu dagaalku lahaa waxaan naloo sheegay 15 dhimasho ah, dhaawacuna wuxuu ka badan 30 ayuu hadalkiis sii raaciyay guddoomiyaha.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin wax waan waan ah oo lagu joojinayo dagaalka, madaama labada dhinac xalay uu gabalku isugu dhacay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo labadan maleeshiyo beelleed ku dagaalamaan deegaannadaas, waxaana marar badan oo horey lagu guuldareystay wadahadallo la doonayo in lagu dhameeyo colaada labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]