Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn, ayaa lagu dhaawacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dagaalka sidoo kale waxaa ku geeryooday laba ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha, halka qof kalana uu halkaasi ku geeryooday.
Xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha ayaa lasoo sheegayaa in ay hadda wanaagsantahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka dhacay degmadda.
Saraakiisha ciidanka dowladda wali kama hadlin dagaalka uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn.
Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanadda ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay joogaan.
Degmada Wanlaweyn waxaa ay 80 KM waqooyi-galbeed kaga beegantahay caasimada Muqdisho.