4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug oo ilkaha laga riday

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta gacan ka hadal uu ku dhex-maray kullankii Baarlamaanka uu ku lahaa magaaladda Cadaado.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geele, oo sidoo kalana ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug, ayaa la sheegay in ilkaha laga riday, kadib markii ay dagaalameen, xildhibaan Mahad Cilmi.

“Dagaalka waxaa ka horeeyay muran iyo is-maandhaaf labada Xildhibaan dhex-maray” sidaasi waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullahi Imaan, oo maanta goob-joog ka ahaa kullankii Baarlamaanka Galmudug.

Baraha bulshada sida Facebook-gga iyo Twitter-ka, ayaa lasoo galiyay Xildhibaan Geele, oo laba ka mid ah ilkihiisa hore ay ka maqan yihiin, mid ka mid ah indhihiisana ay guduudantahay, wajiga ka bararan.

Xildhibaanka ilkaha laga riday ayaa ka mid ahaa xildhibaanno soo jeediyey in la qaato, baaqii kasoo yeeray Ra’iisul wasaare khayre ee ahaa in mudo 45 cisho ah, dib loo dhigo doorashada madaxwaynaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay qodobadan hoos ku xusan:-

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia