4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Haween ka tirsan Ururada Bulshadda ra’yidka oo soo dhaweeyay Xukuumadda cusub kana dalbaday Barlamaanka in uu ansaxiyo

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Dumarka ka tirsan bulshada ra’yidka ayaa maanta shir jaraa’di ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa ayna soo dhaweeyeen Xukuumadda uu hogaaminayo Xasan Cali Kheyre Ra’isul wasaarah Soomaaliya Haweenkan ayaa dowladda uga mahad celiyay kaalinta muuqda ee laga siiyay golaha wasiiradda waxaayna sheegeen in ay wanaagsan tahay in qeybaha kale ee dowladda Sida xilalka lasku magacaabo iyo kuwa lasku doorto door libaax leh laga siiyo.

Aamina Xaaji Cilmi Gudoomiyaha Ururka Badbaadada Haweenka iyo Carruurta ee SSWC ayaa tiri “waa in dowladda ay la shaqeysaa shacabka shacabkuna uu la shaqeeyaa dowladda sidoo kale waxa ay tiri dowladdu waa in ay adkeysaa isla xisaabtanka dhanka maamulka ah.”

Sidoo kale Caasho Shaacuur Ugaas gudoomiyaha Hey’adda Hinna Ayaa ugu baaqday golaha Xeer dajinta in ay ansixiyaan xukuumadda uu soo magacaabay ra’isul wasaare Kheyre si aanan dib loogu laaban meeshii laga soo kacay, waxa ay tiri “Gabdhaha wasiiradda waxaan kula dardaarmayaa in ay danta dumarka iyo dalka ka shaqeeyaan oo aysan qabiil u adeegin”.

Sahra Axmed Maxamed  La taliyaha Dhanka Sharciga ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax kasta sharciga loo celiyo taasina ay wax badan ku hagaagayaan.

Ugu danbeyntii dumarkan ayaa soo saaray Warsaxaafadeed waxaana akhrisay Saynab Maxamed Xasan ( Siraad ) Wuxuu war saxaafadeedka u dhignaa sidaan.


War Saxaafadeed

Ujeeddo: Taageeris Xukuumadda Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo soo dhaweyn Xubnaha Haweenka ee Golaha Wasiiradda cusub.

Ururada Bulshada Ra’yidka ee ka dhisan Gobolka Banadir iyo Maamul Goboleedyadda dalka ee hoos ku xusan waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan,Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo dhamaan Xubnaha Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan hambalyo gaar ah u direynaa dhamaan haweenka loo magacaabay Wasiiradda iyo Wasiir ku xigeenada waxaana leenahay Alla ha idiin la garab galo xilka la idiin dhiibay waxaana kula dardaarmeynaa in aad dumarka iyo qaranka u adeegtaan kana soo dhalaashaan xilka la idiin dhiibay waana hubnaa in aad halyeeyo tihiin.

Guud ahaan Haweenka Ururadda Bulshada Ra’yidka ah gaar ahaana kuwa aan hoos ku xusnay waxay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre uga mahad celinayaan sida uu umuujiyay kaalinta haweenka ee Golaha Wasiiradda maadaama ay tahay xukuumaddii ugu horeysay ee ay haweenkaka heleen 6 Wasiir. Hase ahaatee, waxaa gaabis ah in ay haweenku yeesheen 2 Wasiir ku xigeen lagana qadiyeyWasiiru-dowlayaasha cusub ee la magacaabay. Sidaa daraadeed, guud ahaan haweenku waxay ka yihiin dawlada cusub 12%kaliya meeshi laga filanayey 30%.

Dumarka  Soomaaliyeed waxay halgan dheer u soo galeen in door muuqda ay ku lahaadaan dowladda Soomaaliya waxayna Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ka noqdeen 25%, Aqalka Sare waxay ka yihiin 24% halka ay Golaha Wasiiradaxukuumadda cusub ka heleen 12%. Si hiigsiga haweenka Soomaaliyeed loo gaaroloona dhamaystiro qondada maqan, waxay  haweenka Soomaaliyeed madaxda sharafta iyo qiimaha gaarka ah mudan ka dalbanayaan in ka sokow golayaasha dowladda,haweenku ay ugu yaraan 30% ku yeeshaan dhamaan wasaaradaha gaar ahaan Agaasimayaasha wasaaradaha, hey’addaha Garsoorka, GudiyaddaDastuuriga ah ee la magacaabi doono, Saraakiisha Ciidanka, Safiiradda iyo qeybaha kala duwan ee dhamaan shaqooyinka dowladda taas oo ay laf dhabar u noqon karaan.

Haweenka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan dowladda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo sababta oo ah dowladnimadu ma jiri karto haddii aysan heysan taageero shacab dumarkuna dadka ay dowlanimadda ka noolaan karto ayay qeyb ka yihiin.

Ugu dambeyntii,annaga oo madaxda sharafta leh u muujinayna taageero weyn,waxaan anaga oo isku duubanka dooneynaa in isbedelku noqodo mid lagu kordhiyo tirada haweenka ee siyaasadda lana gaarsiiyo ugu yaraan 30% dhamaan jagooyinka la magacaabo ama la xulo ee heer walba oo dawlada waxaana leenahay dowladnimada Soomaaliya ha guuleysato.

Mustaf Hussein

[email protected] 

Mogadishu, Somalia