4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Mareykanka oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

 Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Taliyaha taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn doono ciidanka xoogga Soomaaliya” ayuu yiri Thomas Waldhauser .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan.

Bilo ka hor ayaa aqalka cad ee dalka Mareykanka loo gudbiyay codsi ka yimid howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika kaas oo ahaa kordhinta awoodda  iyo sidoo kale howlgallada ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, ciidamada dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeymo waxa ay la beegsadaan saldhigyada ay gobolada dalka ku leeyihiin Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]