4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Puntland oo maanta ka gudub-tay Nidaamka Qabaliga ah, una Gudubtay Nidaamka xisbiyada Siyaasadeed

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ku Daah-furay nidaamka fursashada xisbiyada badan ,kaasi oo maamulka Puntland uu ka soo shaqaynayay sanooyinkii la soo dhaafay.

Xaflada Furitaanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheli-nayey, gudoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka,  iyo martisharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo xaflada ka jeediyey hadal kooban ayaa ugu horayn mahad balaadhan u jeediyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo uu sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen.

Gaas ayaa sheegay in in muddo ah  maamulkiisa uu ka soo shaqaynayay hirgalinta nidaamkan oo marar kala duwan uu hakad ku yimid ,waxaana uu ugu baaqay siyaasiyiinta in ay samaysan karaan xisbiyo si ay uga qayb-galaan doorashada danbe.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dimuquraadiyadu tahay mid lagu ilaalinayo xaquuqda bulshada inteeda tabarta yar, ,waxaana uu ka digay in si khaldan loo adeegsado nidaamkan cusub.

''Waxaan u baahanahay in dimiquraad-diyada aan qaadanayno ay noqoto mid salka ku haysa diinteena islaamka oo aan ka hor imaanaynin shareecada , sidoo kalena ka turjumaysa rabitaankeena " ayuu yiri Gaas oo ka hadlyay munsaabad-da.

Ugu danbayn, Dowlad-dii madaxweyne Faroole ayaa ku guul-daraysatay in ay hirgaliso nidaamkan oo markii danbe ay ka dhasheen qul-qulatooyin abuuray xiisado siyaasadeed ,waxaana furitaanka nidaamkan ee maanta uu ku soo aadayaa ,iyada oo dowladda hadda jirta lagu eedeeyay waxqabad la'aan.            

Faysal M. Hassan
[email protected]