4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo bahda waxbarashada gobolka oo kulmay

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulan la yeeshay bahda waxbarashada gobolka oo ay ka wada hadleen hormarinta iyo is dhaxgalka bulshada.

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii uu dhiira- galin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, iyo in uu ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ay ka qaadan karaan macalimiinta iyo maamulada madaarista waxbarasho.

Aqoonyahanada iyo xubnaha matalayay bahda waxbarashada ayaa madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta, iyagoo ka dalbaday dowladda Hirshabelle in ay ka gacan siiso horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa aqoonyahanada ka codsaday in ay garab istaagaan dowladnimada xilna ay iska saaraan horumarinta is dhex galka bulshada Iyo amniga, isagoo xusay in lagama maar maan ay tahay in qof kasta uu ka shaqeeyo xaqiijinta Amniga taasi uu sheegay in bulshada ay wada deeqdo.

Ugu danbeyntii, kulankaasi ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Hirshabelle C/qaadir Cabdulle Xooshow, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan, iyo mas'uuliyiin kale, waxaana inta madaxweynuhu uu ku suganyahay Beledweyne uu kulamo kale duwan uu la yeelan doonaa qeybaha kale duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Mustaf Hussein

[email protected]