4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Madaxweyne Siilaayo oo la kulmay macalin loo xiray in ay isku magac yihiin

 

Sabti, Maarso ,25, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shalay macalinkii loo xiray magaca madaxweynaha isku mid noqoteen ee isna magaciisa la yiraahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Macalin Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xabsiga loo dhigay ka dib markii ciidanku ku eedeeyeen sheegasho magac aanu lahayn,isla markaana isku magac noqdeen madaxweynaha, waxa kale oo ciidanku diideen damaanad lagu siidaynayey oo maxkamadda usoo qortay ciidanka in muwaadinkaasi xidhan damaanad lagu sii daayo.

Hasse ahaatee markii uu habeen iyo maalin xidhnaa ayaa la siidaayey, waxaana madaxweynaha shalay  jimcihii ku wada tukeen masaajidka madaxtooyadda magaaladda Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu raali galin ka siiyey khaladkii lagu xidhay.

Macalinka magaca madaxweynaha isku eekaanshiyihiisa lagu xidhay ayaa warbaahinta la hadlay waxaanu sheegay in ciidanka Taraafikadda oo xabsigiisa ka dambeeyey uu ku eedeeyey inay si xun ula dhaqmeen,isla markaana dadkii soo booqanayey ka ho hor joogsadeen.

“wax dambi ah maan galin, magacaygu waa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaaanyo, waxaana Siilaanyo la ii bixiyey wakhtigii qaxootiga jacayl la jecel yahay Siilaanyo darteed ayaa la igu bixiyey, marka maalintii khamiistii anigoo iskuulka jooga ayaa gaadhi ardayda qaadda ganaaxeen ciidanka waddo maristu waxaana u diray lacagtii lagu ganaaxay oo Zaadka uga diray, markii magacaygaa arkeen ka dib ayey ii yeedheen ka dibna xabsiga ii taxaabeen, waxaanay diideen dadkii isoo booqanayey oo rasaas kaga hor tageen, waxa kale oo diideen damaanadii la igu sii daynayey oo maxkamaddu qortay in la sii daayo”ayuu yidhi Macalin Axmed Siilaanyo oo xabsiga ku mutay isku eekaanshiyaha magaca madaxweynaha.

Mar uu la hadlayey kulankii uu madaxweynaha la yeeshay waxa uu yidhi “ Madaxweynaha ayaa na qaabilay, waan ku faraxsanahay inaan la kulmo, madaxweynaha sharaf bay u tahay inuu dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay uu la kulmo, madaxweynuhu wuxuu yidhi qof aanu isku magac nahay aad baan ugu faraxsanahay inaanu is aragno, anna dhiiraraan ayey arrintaasi I siiyey waanu iga raali galiyey xadhigii la ii gaystay”

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan lagu xidhay macalinka ayaa noqotay tii loogu hadal haynta badnaa maalmihii ina dhaafay, waxaana jira dacaayado iyo kaftamo la isku waydaarsanayey baraha bulshadda oo ku saabsan xadhiga loo gaystay macalinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.