4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Roobabkii xiliga Gu’ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo guud ahaanba dalka ay ku dhufatay abaar saameyn adag ku yeelatay dadka iyo duuniyada, ayaa hadana dhinaca kale qeybo ka mid ah gobollada dalka waxaa laga soo sheegayaa in ay ka curteen roobabkii xiliga Gu’ga.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka da’ay roob ay ku diirsadeen dadka ku dhaqan caasimada oo todobaadyadii ugu danbeeyay ay soo gaareen kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobollada ay abaarta ugu darran ku dhufatay.

Sidoo kale, deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaana degmada Mahadaay ayaa waxaa ka curtay roobabkii xiligan Gu’ga oo siweyn ay ugu farxeen dadka beeraleeyda ah oo ku dhaqan deegaannada kala ah Iji,Oobaale, Caadley,Ceelbaraf,Cali Fooldheere,Dhurwayle oo roobabkan ka da’een.

Sidoo kale deegaanno ka tirsan gobollada W/galbeed ayaa laga soo sheegayaa roobab lagu diirasaday, waloow wali ay jirto cabasho ba’an oo la xiriirta abaarta ku dhufatay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah.

Hay’addaha gargaarka ayaa baqdin badan ka qaba in xaalada abaarta ka jirta Soomaaliya isku badasho macaluul haddii aan la helin labada bilood ee soo socta roobab ku fulin dadka iyo duuniyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]