3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD oo si gaar ah diirada loogu saaray xal u helida arrimaha la xiriira qaxootiga Soomaalida.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo kulanka ka hadlay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xeryaha Dhadhaab ee dalkiisa ay hoy u noqonto sida uu hadalka u dhigay kooxaha ‘’ Argagixisada’’

Madaxda wadamada kulanka ka soo qeybgalay ayuu ka dalbaday Kenyatta xal waara loo helo arinta ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab.

"Halkan [Kenya] waxaa ku taala xerada ugu weyn ee qaxootiga Soomaalida, waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh", ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka bariga Afrika, halka dhinaca kale 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay'adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u helay in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya, dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka ee ka shaqeeya arimaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuraan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya waxa ka go'an in la abuuro jawi ay hay'adaha uga dhex shaqeyn karaan dalka gudahiisa", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan dhibaatooyin ka dhashay masiibooyinka dabiiciga ah oo ay abaarta ka mid tahay iyo Tahriibta oo ah dhibaato kale oo heysata bulshada Soomaaliyeed.

Qabashada kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyntii, mas'uul u hadlay urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo cadaadiska dalalka deriska ah ka haysto martigelinta qaxootiga ay dhiirigeliyeen dardargelinta dadaallada xal kama dambeys ah loogu raadinayo qaxootiga Soomaalida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/25/2017 2:33 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulan la yeeshay bahda waxbarashada gobolka oo ay ka wada hadleen hormarinta iyo is dhaxgalka bulshada.

3/25/2017 2:09 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn, ayaa lagu dhaawacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

3/25/2017 2:02 PM EST
Sabti, Maarso ,25, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shalay macalinkii loo xiray magaca madaxweynaha isku mid noqoteen ee isna magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

3/25/2017 1:42 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Koox hubeysan oo watay mooto ayaa la sheegay in caawa degmadda Waaberi ay ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyay Shiine, oo la sheegay in uu la shaqeynayay wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

3/25/2017 1:33 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari, ayaa ku booriyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, in dib-u-eegis uu ku sameeyo, golaha wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kadib markii 105 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen in golala wasiirada uu dib-ula noqdo Xasan Cali Kheyre.

3/25/2017 1:28 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Wafdigan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika Ndumiso Ntshinga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

3/25/2017 10:02 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ku Daah-furay nidaamka fursashada xisbiyada badan ,kaasi oo maamulka Puntland uu ka soo shaqaynayay sanooyinkii la soo dhaafay.

3/25/2017 9:42 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Dumarka ka tirsan bulshada ra’yidka ayaa maanta shir jaraa’di ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa ayna soo dhaweeyeen Xukuumadda uu hogaaminayo Xasan Cali Kheyre Ra’isul wasaarah Soomaaliya Haweenkan ayaa dowladda uga mahad celiyay kaalinta muuqda ee laga siiyay golaha wasiiradda waxaayna sheegeen in ay wanaagsan tahay in qeybaha kale ee dowladda Sida xilalka lasku magacaabo iyo kuwa lasku doorto door libaax leh laga siiyo.

3/25/2017 9:41 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in awood maamulka hoos loo daadajin doono.

3/25/2017 8:11 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta gacan ka hadal uu ku dhex-maray kullankii Baarlamaanka uu ku lahaa magaaladda Cadaado.

3/25/2017 6:49 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Wadajir xoghayihii guud ee degmada oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada.

3/25/2017 6:36 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Shirkada saddexaad ee ugu weyn aduunka dhinaca baddaha ee DP World ayaa sheegtay Jimcihii shalay in deegaannada Soomaaliland oo ay abaartu ku dhufatay ka bilaawday bixinta gargaar biyo ah oo dhan 4.5 million oo Liitar.

3/25/2017 4:14 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhaawacmay, kadib markii Gaari Nooca Homey-da ah uu ku rogmaday Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, sida goob-joogayaal ay Hiiraan Online u sheegeen.

3/25/2017 4:06 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo guud ahaanba dalka ay ku dhufatay abaar saameyn adag ku yeelatay dadka iyo duuniyada, ayaa hadana dhinaca kale qeybo ka mid ah gobollada dalka waxaa laga soo sheegayaa in ay ka curteen roobabkii xiliga Gu’ga.

3/25/2017 3:57 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Koox burcad badeed Soomaali ah, ayaa afduubtay doon la yiraahdo Caseer Two oo mareysay meel u dhow degmadda Ayl.

3/25/2017 3:41 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Taliyaha taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

3/25/2017 3:10 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa guuldarro kala kulmay in la bedelo barnaamijkii adeega caafimaadka ee Obamacare, kaasoo uu horay u balanqaaday inuu meesha ka saari doono intii uu ku guda jiray ololihii doorashada.

3/25/2017 1:18 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo ajandihiisa ugu weyn uu noqonayo arimaha qaxootiga iyo xaalada Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.