4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka codsaday Ra’iisal Wasaaraha in uu wax ka bedelo golaha wasiiradda (Warqad Furan)

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari, ayaa ku booriyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, in dib-u-eegis uu ku sameeyo, golaha wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kadib markii 105 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen in golala wasiirada uu dib-ula noqdo Xasan Cali Kheyre.

Qoraalka uu diray Pro Jawaari, ayaa waxaa ku lifaaqan, hindisaha diidmada ah ee xildhibaanada ay horay usoo saareen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa todobaadkii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay golaha wasiirada cusub ee xukuumaddiisa, oo muddo laga sugayey.

Golaha wasiirada ayaa waxa ku jira hal ra’iisul wasaare ku xigeen oo loo magacaabay Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen, iyo 15 wasiiru dowle.

Halkan ka aqriso qoraalka uu Guddoomiye Jawaari u direy Ra’iisal wasaare Kheyre.


Halkaan ka Aqriso warqadii ay saxiixeen 105 Xildhibaan.
 
 
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia