Tirinta codadka doorashada Kenya oo socota

Arboco, Agoosto 09, 2017 (HOL) - Waxaa socota tirinta codadka doorashada dalkan Kenya, kadib markii shaley dadweynuhu dhiibteen codkooda.

Guddiga doorashada iyo xuduudaha, ayaa ku hawlan tirinta codadkii la dhiibtay, iyadoo marba marka ka danbeysa ay iska soo daba dhacayaan natiijooyinka.

Xisbiyada iyo dhamaan dadweynaha waxey isha ku hayaan natiijada ay soo gudbinayaan guddiga doorashada, iyadoo jiraan warar badan oo been abuur oo la isla dhax marayo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa sheegay iney jirto wax is daba marin, taasina ayan aqbali doonin haddii aanan la turxaan bixin.

Natiijada rasmiga waxaa ku dhawaaqi doonna guddiga doorashada iyo xuduudaha marka dhammaan codadkii la dhiibtay ay tiriyaan.

Lama ogga xiliga ay soo gaba gabeynayaan tirinta codadka, waxaase lafilayaa sida ugu dhaqsiyaha iney natiijada rasmiga ah guddiga kusoo gudbiyaan.

Waxaa jira walwal ay qabaan dadweynaha in inta lagu murmo doorashada nabad gelyo darro dhacdo, inkastoo xaaladdu illaa iyo xad haatan dagan tahay.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sidoo kale waxaa ka jira tartan addag, marka la eego qeybaha governor-ka, xildhibaannimada, wakiilka haweenka iyo senoter-rada.

Goobta ay ka dhaceyso loolanka ugu adag dhanka waqooyi bari Kenya waa Garissa County, gaar ahaan kursiga Garissa TownShip, oo ay ku tartamayaan labadda siyaasi ee Faarax Macalin iyo Aadan Barre Ducaale.

Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah oo aan rasmi aheyn, oo aan kasoo xiganay guddiga doorashada iyo xuduudaha, waxey sheegaysaa in Duale uu haatan helay codad gaaraya 15,300, halka Faarax Macalim uu heysto 10, 285 cod.

Said Hassan Anteno
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya