
Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) – Nuqul ka mid ah qoraal uu soo saaray wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo ay heshay Hiiraan Online ayaa lagu sheegay walaac guud ahaan wakiilada beesha caaalamku ay ka qabaan dhismaha gudiga dib u eegista dastuurka labada aqal oo aan qeyb laga siin dumarka.
Guddigan oo ka kooban Toban xubnood ayaa shan ka mid ah laga soo xulay gollaha shacabka halka shanta kalana ku matalayaan Aqalka sare, iyaga oo dhawaan guddoomiye u doortay Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa loogu muujiyay walwalka iyo walaaca beesha ee la xiriira in haweenka oo 50% ka badan tirada guud marka la eego bulshada Soomaaliyeed aysan wax qeyb ah ku yaalan gudiga dib u eegista dastuurka isaga oo ka codsaday guddoonka labada aqal in arintaa hoos u eegaan.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa baarlamaanka ku leh kuraas qiyaastii dhan 24% taasoo loo arkayo mid wanaagsan, balse beesha caalamka ayaa u aragta tallaabo dib u dhac keeni karta in haweenku aysan wax qoondo ah ku yeelan gudigan labada aqal ku matalaya dib u eegista dastuurka.
“Aniga oo ku hadlaya magaca kooxda Copenhegan oo ka kooban Safiirada Itoobiya ,Sweden, Talyaaniga, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD waxa aan qoraalkeygan idinku wargalineynaa in aan tixgalinnay doorashadii 7da Ogosto loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa aan ka walaac-sannahay in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney ku laheyn wax matalaad ah, sababtoo ah guddigan waxa uu door muhiim ah ka ciyaarayaa qaabeynta musaqbalka Soomaaliya”ayuu lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]