Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Ku-xigeenka wasiirka amniga maamulka gobolleedka Koonfur galbeed Abdirizak Abdi Adan ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay dagaal culus oo u dhaxeeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ah Mukhaar Rooboow Abuu-Mansuur.
Dagaalka oo wali ka soconaya dhul Buuraley ah oo ka tirsan degmada Xuddur ayaa leysku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararku sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hogaaminayaan saraakiil sar sare dhowr jiho ka soo weerareen deegaanka fariisinka u ah Mukhtaar Rooboow.
Dagaalka oo hadda soconaya mudo ka badan Afar saacadood oo xiriira ah ayaa xooggiisa lagu waramayaa in uu ka dhacayo deegaan lagu magacaabo Abal oo ah dhul Keyn iyo Buuraleyn isugu jira taasoo u sahli karta dhinaca Mukhtaar Rooboow in ay mudo kale kii dagaalamaan.
Wasiir ku-xigeenka amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegaya in ay qorsheynayaan saacadaha soo socda in halkaa gaaraan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed iyo AMISOM hasse ahaatee ma uusan sheegin in ciidamadaasi gacan siin doonaan Mukhtaar Rooboow iyo in kale.
Tan iyo markii uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu xayiraadii saarneyd uu ka qaaday Mukhtaar Rooboow Al-shabaab waxaa ay godoomin ku hayeen deegaanka uu ku nool yahay ee gobolka Bakool ka tirsan, iyaga oo marar kala duwan ka dalbaday in mar kale uu dib ugu soo laabto Ururka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]