
Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) -Koox looga shakisanyahay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, ayeey dowladda Kenya sheegtay in laba gaari ay ka afduubteen wado isku xirta deegaannada Cumar Jiilo iyo Lafey oo ka tirsan magaalladda Mandera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.
Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya Maxamuud Saalax, ayaa sheegay in labada gaari ee la afduubtay ay kala ahayeen Probox iyo Lnad Cruiser.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in gawaarida la afduubtay ay ku xirnaayeen taarigada wadanka Koonfurta Sudan.
Ciidanka dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa ku sugan xadka kenya iyo Soomaaliya, ayaa wada howlgallo xooggan oo lagu baadi goobayo kooxdii weerarka geysatay.
29-ka bishii hore, Gaari ay leeyihiin Kooxda ololaha Xisbiga jubilee ayaa waxaa afduubtay Al Shabaab.
Sargaalka ugu sareeya Booliiska Koofurta Mandheera Charles Chacha ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu qeyb ka ahaa doorashada dalkaasi hadda ka socota.
“Waxaan helnay warbixinta gaariga la afduubtay oo ku soo laabanayay Bore Hole kadib markii uu dad Taageero yaal ah geeyay Deegaanka Falama oo u dhow Xuduudda Somalia iyo Kenya, Howl galladda badbaadintana waa ay Socdaan” ayuu yiri Chacha.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia