
Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu magacaabay ilaa afar degmo kale oo ka mid noqonaya degmooyinka gobolka Hiiraan.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in deegaannada kale ah Feerfeer, Buq-Aqable, Moqokori iyo Buurweyn noqonayaa wixii hadda ka danbeeya degmooyin cusub oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Cosoble ayaa wax ka yar labo Todobaad ku magacaabay illaa 7 degmo, taasoo guud ahaan mar la eego degmooyinka gobolka Hiiraan ka dhigeysa marka lagu daro degmada cusub ee Feer-feer 12 degmo.
Cosble ayaa horay degmooyin ugu magacaabay Halgan, Ceelcali iyo Farlibaax.
Akhriso wareegtada lagu magacaabo degmooyinka cusub :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]