Xil wareejin ka dhacday degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan


Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Buula-burte iyo guddoomiyaha cusub ee dhawan loo magacaabay xilka guddoomiyaha degmada.

Sidoo kale munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta degmada Buula-burte ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, waxgarad iyo odayaasha degmada.

Xassan Maxamed Nuur guddoomiyihii hore ee degmada ayaa ka warbixiyay xaalada nolaleed iyo tan nabad-galyo ee Buula-burte, isaga oo dhinaca kalana sheegay in uu la shaqeynayo guddoomiyaha cusub.

Cabdi Daahir Guure Karoore oo ah gudoomiyaha cusub ee degmada ayaa uga mahad celiyay guddoomiyihii hore waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay, waxaana uu balanqaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada si looga wada shaqeeyo hormarka iyo adkeynta nabad-galyada.

Dhinaca kale hay’addaha safamalka ayuu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgalaan Buula-burte oo muddo dheer wajaheysa xaalad bani’aadannimo.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Baadiyoow ayaa maamulka cusub kula dardaarmay wax qabad, isaga oo dhinaca kale bulshada ku dardaarmay in ay gacan ku siiyaan maamulka cusub fulinta howlaha culus ee hor yaala.

Buula-burte oo ah degmo Istiraatiji ah ayaa jidadka soo gaala waxaa wali go’doomin ku haya Al-shabaab, inkastoo uu shaqeynayo garoonka diyaaradaha degmada oo inta badan fududeeya isku socodka Buula-burte iyo deegaannada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]