Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Kenya Raila Odinga oo tartan xoogan kula jira Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in hannaankii doorashada la jabsaday, isaga oo arintaa ku tilmaamay ‘’qiyaano weyn oo xad dhaaf ah’’
Waxaa uu sheegay Raila Odinga in kooxaha jabsaday Kombiyuutarrada badaleen natiijada doorashada iyaga oo ka dhigay mid uu ku horreeyo Uhuru Kenyatta.
Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka.
Warka ka soo yeeray dhinaca mucaaradka ayaa shaki badan u abuuray dadka reer Kenya oo markii horeba wadnaha farta uga hayay qalalaase ka dhalan kara natiijada doorashada.
Raila Odinga ayaa intaa ku darray in qiyaanada la sameeyay aysan ku koobneyn oo kaliya codbixinta doorashada madaxweynaha, laakiin sidoo kale saameyn ku yeelatay dhinacyada kale ee doorashada.
“Natiijada ay baahinayaan IEBC ee madaxweyne waa mid gebi ahaan been abuur ah oo ku saleysan xisaab la laba jibaaray oo Uhuru siineysa codad aan la dhiiban” ayuu yiri Odinga.
“Qiyaanada xisbiga Jubilee ay kula kaceen dadka Kenya waxay ka saro martay xatooyo kasta oo taariikhda waddankan soo martay. Markan waan ku qabanay” ayuu yiri Odinga oo madaxweyne Kenyatta ku sheegay inuu yahay “qiyaanoole”.
Wali dhinaca xisbiga Jubilee wax war ah kama aysan soo saarin sida ay u arkaa shaacinta hor dhaca ah ee natiijada doorashada iyo eedeymaha la xiriira xatooyada ee loo soo jeediyay.
Wali si rasmi ah looguma dhawaaqin shaqsiga noqonaya madaxweynaha dalka Kenya, madaama wali meelaha qaar lagu guda jiro tirinta codadka, lamana oga waxa dhici kara marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]