Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Waxaa Alle ha u naxariisteen xalay ku geeriyooday dalka Talyaaniga Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo ahaa dhakhtar ah caan ku ah daweynta xanuunada ku dhaca neerfaha.
Dr Maxamed Jaamac oo guud ahaan siweyn looga garanayay dhulka ay Soomaalidu degto ayaa xarun caafimaad ku lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dhakhtarka dawayntiisa looga imaan jiray gudaha dalka iyo dibad-diisa.
Dhakhtarka ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanyay Isbitaal ku yaala dalka Talyaaniga ,isaga oo u geeriyooday xanuunka kansarka oo kaga dhacay beerka iyo xiidmaha sida ay xaqiijisay dakhtarka walaashii oo lagu magacaabo Sahro Jaamac Salaad.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray qoraal uu ugu tacsiyadaynayo marxuumka geeriyooday iyo eheladiisa ,waxaana uu sheegay in uu ahaa nin aqoontiisa ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed.
Maxamed Jaamac waxa uu ku dashay magaalada Gaalkcyo intii uu socday dagaalki labaad ee adduunka oo ku beegan 1944-tii ,waxaana dugsiga hoose uu kaga baxay magaalada Gaalkacyo ka hor intii uusan u wareegin magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisi ka sii watay.
Dhakhtarka ayaa jaamacad-da ka dhigtay magaalada Polonyo ee dalka Talyaaniga ,isaga oo bartay takhasuska xanuunada ku dhaca neerfaha ,waxaana markii uu soo dhamaystay uu u soo wareegay Somalia sanadku markii uu ahaa 1980-kii ,halkaasi oo uu ka shaqo bilaabay.
Maxamed jaamac ayaa lagu xasuusan doonaa in uu dib u dayactiray cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ,isla markaana wax ka dhisay qaar kamid ah Jaamacadaha caluumta caafimaadka ee Somalia.
Ugu danbayn, Dhakhtarka ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo ,iyada oo aaskiisa ay ka soo qayb-gali doonaan madaxda Puntland ,eheladiisa iyo qaar kamid ah dadka ay is-garanayaan dhakhtar Maxamed Jaamac.
Faysal M. Hassan
[email protected]