Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhinteen madaafiic Al Shabaab ay xalay ku tuureen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bulogudud.
Deegaanka madaafiicda lagu tuuray ayaa waxaa uu 30Km, dhinaca waqooyi uu kaga beeganyahay magaalladda Kismaayo.
Dadka deegaanka ku nool ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda saaka ay degantay, waxaana ciidamada dowladda ay sameyeen howlgallo balse kooxdii weerarka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Gobolada Jubbooyinka ayaa inta badan waxaa Al Shabaab ay ka geystaan weeraro gaadma ah, balse weerarkaan saaraakiisha ciidanka dowladda kama aysan hadlin.
Isniin-tii lasoo dhaafay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, ayaa duqeyn ka geysteen degaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab, waxaana hadalkooda ay sii raaciyeen in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia