Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso oo goor dhaw la dilay

 

Arbaco, Augusto 09, 2017 (HOL) - Rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso Cabdi Dheere sida uu ku soo waramayo wariyaha Hiiraan Online Feysal Boston oo Boosaaso jooga.

Toogashada taliye ku-xigeenka aya ka dhacday dhabarka danbe ee isbitaalka magaalada Boosaaso, iyadoo raggii dalka geystayna goobta ka baxsadeen.

Lama oga ilaa iyo hadda cida geystay dilka taliye ku-xigeenka, balse warar hoose oo baxaya ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo arimo la xiriira Aano Qabiil kaddib marki dhawaan rag hubeysan ku toogteen magaalada Boosaaso guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]