Isniin, December, 19, 2016 (HOL) – Inta la ogyahay sagaal ruux ayaa ku dhintay dhowr kalana waa ay dhaawacmeen kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad jooga suuq Chrismaska ee magaalada Berlin, sida uu sheegay boliiska.
Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin weerarka inuu ahaa mid loogu tala galay. Darawalkii gaariga ayaa fakaday sida ay sheegayaan warfaafinta qaar.
Video muujinaya goobta ayaa laga arkayaa dad dhaawac ah oo dhulka yaala iyo meelihii alaabada lagu iibinayay oo burburay.
Suuqa ayaa ku yaala Breitscheidplatz, oo u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm ee Kurfuerstendamm ee galbeedka Berlin.
Ugu danbeyntii, wariye u soo warama Berliner Morgenpost, ayaa ku tilmaamay waxa uu arkay wax aad u xun.
Xigasho BBC