Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay [Sawiro]
Isniin, December, 19, 2016 (HOL) -Safiirkii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga Mr Andrei Karlov ayaa toogasho lagu dilay.
Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Safiirka uu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogasho uu u geystay nin ku hubeysnaa bastoolad.
Safiirka ayaa ku sugnaa meel madxaf oo ka socotay bandhig farshaxan, waxaana laga toogtay dhabarka dambe oo uu taagnaa, xilliga uu khudbad ka jeedinayay madxafka.
Waxaa la sheegay in ninkan uu ku qeylinayay Allaahu Akbar iyo erayo ay ka mid ahaayeen joojiya gumaadka aad ku heysaan magaalada Aleppo ee dalka Suuriya.
Shaqsiga toogashada geystay ayaa la sheegay in markii hore uu taagnaa dhabarka danbe ee safiirka, xilliga uu Safiirka khudbada jeedinayay.
Ciidamada Turkiga ayaa toogtay ninka dilka ka dambeeyay, waxaana ninka uu dhaawacay dhowr ruux kale oo ku sugnaa Matxafka ay ka socotay bandhiga Farshaxanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa tagay goobta lagu toogtay Safiirka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.
Ugu danbeyntii, ciidammada badan oo isugu jira kuwa milateriga iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa ku sugan halkii lagu dilay Safiirka Turkiga, waxaana socda baaritaano.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Gaari dad la jiirsiiyay suuq weyn oo ku yaala dalka Jarmalka
- Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool
- Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo gaaray degmada Buuhoodle
- Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan [Sawiro]
- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood
- Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda
- Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland oo korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah
- Akhriso magacyada xildhibaanada gobollada W/qooyi ee Muqdisho lagu doortay
- Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha
- CPJ: Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saxafiyiinta caalamka oo dhan oo hoos u dhacay
- Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa
- Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir
- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo maanta dib u bilaabaneysa
- Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay dilka 11 ruux oo lagu eedeynayo ciidammada AMISOM [Sawiro]







