Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool



Isniin, December, 19, 2016 (HOL) -Wararka ka imanaya deegaannada Xudun iyo Taleex ee gobolka Sool ayaa sheegaya in daanyeero raxan raxan u socda weerar ba’an ku hayaan xoolaha ku dhaqan deegaannadaas, kaddib markii sida la sheegay diyaareedan ay soo wajahday nolal xumo.

Jaamac Cali Xaashi oo ah maamulaha dugsiga sare ee Carooley oo Laascaanood 100km dhinaca Bari kaga beegan  ayaa HOL u sheegay in maalintii shalay ay weeraeen koox dayeero ah oo uu dhaawac halis ah u
geystay labo halaad.

 “Waxaa  ii sheegay rag geela la joogay in boqolaal daanyeero  ay soo wareereen kaddib dhaawac  halis ah u geysteen labada halaad’’ ayuu yiri Jaamac.

Daayeerka waxaa uu horey weerar xoog leh maalmihii la soo dhaafay ugu hayay xoolaha iyo caruurta la joogta oo inta badan haatan ilaaladooda dad hubeysan sida uu Hiiraan Online u sheegay  Cabdullaahi Xassan Max’ed oo degan Buurta Dhagax-Guurguur oo u dhexaysa Xuddun iyo Taleex.

“Daayeerka waxaa uu ku dhow yahay in uu dabar jaro xoolaha,, maalin kastaa waxaad arkaysaa mid ay cuneen oo inta ay hareereeyaan ayeey markiiba kala goosanayaan ayuu yiri Cabdullaahi.

Ugu danbeyntii deegaannada lagu soo waramayo in daanyeerada ku weeraraan xoolaha ayaa laga soo sheegayaan in ay ka jirto abaar daran oo dadka iyo duunyada wadda saameysay.

 Seynab Cabdi Warsame
Email: [email protected]
Laascaanood. Gobolka Sool