Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir



Isniin, December, 19, 2016 (HOL) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xusseen Jimcaale oo xalay kulan kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee dhawaan la soo doortay, ayaa ugu baaqay in ay dib u soo celiyaan maqaamkii gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada cusub ee labada aqal ka sugayaan in ay dib u eegis ku sameeyaan maqaamka gobolka Banaadir, islamarkaana soo celiyaan sidda uu hadalka u dhigay xaquuqdii uu
gobolka lahaa.

Dhinaca kale, xildhibaannada cusub ayaa kulanka ka balanqaaday in ay dagaal u gali doonaan sidii magaalada Muqdisho ay u yeelan laheyd maqaam iyo maamul u gooni ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa caleemo-saarkiimadaxweynaha Hirshabelle ka sheegay in magaalada ay yeelan doonto maqaam iyo maamul u gooni ah islamarkaana Maamulka
Hirshabeelle uusan noqon doonin Maamulkii u dambeeyay ee la dhiso.

Ugu danbeyntii, magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad ka badan addex Milyan oo ruux ayaa dhowr jeer dadka degen waxaa ay cabasho ka muujiyeen in la hilmaamay xaquuqdii ay lahaayeen oo dad kale la
siiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]