Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay dilka 11 ruux oo lagu eedeynayo ciidammada AMISOM [Sawiro]
Isniin, December, 19, 2016 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya 11 ruux oo lagu eedeynayo in ay ku dilaan maalintii shalay oo kaliya ciidammada AMISOM gobolka Sh/hoose, waxaana dadkan ka mid ahaa hooyo iyo caruurtii ay dhashay.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammada AMISOM qoriga baasuukaha ku dhufteen dad rayid ah oo la socday gaari ku sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo, waxaana isla goobta ku dhintay ayuu sheegay lix ruux oo ka ganacsan jiray qudaarta.
Guddoomiyaha ayaaa intaa ku darray in dhinaca kale gaadiid ay la socdeen ciidammada AMISOM uu dulmaray guri ay degenaayeen qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa shan ruux kuwaa oo goobta ku wada dhintay.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in kar hor inta uusan shilka dhici kolonyada ciidamada AMISOM la socdeen qarax miino lagu weeraray, taasoo keentay in mid ka mid ah gadiidka uu wadada ka leexdo islamarkaana uu dulmaro guryo aqal Soomaali ah oo ay qoyskan degenaayeen.
Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Sh/hoose hoose dhacdadan u saareen guddi soo baara arintan sidda uu hadalka u dhigay.
Ugu danbeyntii, gobolka Sh/hoose ayaa lagu tilmaami karaa halka ugu badan ciidammada AMISOM lagu eedeeyo in ay tacadiyo kula kacaan dadka shacabka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Gaari dad la jiirsiiyay suuq weyn oo ku yaala dalka Jarmalka
- Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay [Sawiro]
- Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool
- Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo gaaray degmada Buuhoodle
- Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan [Sawiro]
- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood
- Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda
- Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland oo korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah
- Akhriso magacyada xildhibaanada gobollada W/qooyi ee Muqdisho lagu doortay
- Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha
- CPJ: Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saxafiyiinta caalamka oo dhan oo hoos u dhacay
- Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa
- Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir
- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo maanta dib u bilaabaneysa




