
Isniin, December, 19, 2016 (HOL) - Maanta ayaa lagu waddaa in ay dib ugu bilaabato magaalada Muqdisho doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland oo maalmihii ugu danbeeyay hakad ku jirtay.
Kaddib kulan maalintii shalay magaalada Muqdish ay ku yeesheen guddiga doorashada dadban ee heer federaal iyo gudiga doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobolka W/qoyi ayaa looga wada hadlay siddii dib loogu bilaabi lahaa doorashada.
Guddiga heer federaal ayaa horay u joojiyay doorashada, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay hanaanka doorashada iyo is qab qabsi la xiriiray ergooyinka.
Sidoo kale guddiga ayaa baabi’iyay natiijada doorashada labo kursi oo Jimcihii ka dhacday Muqdisho, kaddib markii doorashadaas aanay ka qeyb gelin wariyeyaasha iyo koor-joogayaasha caalamiga ah.
Hadaba Hoose ka akhriso lixda kursi ee maanta lagu tartami doono
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]