Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha


Isniin, December, 19, 2016 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta Shir Jaraa'id ku qabtey Garowe ayaa Mamnuucay isticmaalka Bacaha Madow ee Gadiid lagu
dhajiyo.

Taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa  sababta ay u joojiyeen isticmaalka bacaha madow  ku sheegay in ay tahay in ay ku dhuuntaan Dadka sameeya falal lidka ku ah Amniga,kuwaaso uu tilmaamay inay
bacaha modow ula baxeen Booliska iga qari

"Waa ogtihiin in Bacaha madow ay noqdeen meel danbiilayaasha dhagar-qabayaash ah uga dhuuntaan Booliska,iyagoo dhibaateynaya Shacabka Puntland,ma ogaaldoono in la isticmaalo wax amniga dalka wax
u dhimi-kara,waana sababta aan u mamnuucay Maanta".

Sidoo kale,Taliyaha Ciidammada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Sheegay in cidii amarkan u hogaasamiweyda Mas'uul iyo shacab la horkeenidoona sharciga  ayna mutaysandoonan Ganaax
Lacageed oo uusan sheegin inta ay la egtahay.

"Mar kale ayaan ku celinayaa waa in Amaawiirtan madax iyo shacab'ba loo hogaasamo,ciddii ay ugu dhagantahay hadda ha iska fiiqeen,cidii ku fakaraysa ha ka waantooban ogaada ma,ahan in intaan Maalmo wadno aanan
iska dhaafidoono Dagaalkii suuj,garmaal iyo Garacad oo kale ayaan Mabacaha madow ku qaadidoona".

Dhinaca kale,,Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa sheegay in Bacaha madow ee la isticmaalo Muraayadaha Gadiidka lo ogolyahay Madaxweynaha Puntland,Ku Xigeenkisa, Gudoomiyaha Barlmaanka iyo
labadiisa ku xigeen oo kaliya.

"Anigoo tixraacaya Digreeto 13-7-2014-kii ka so baxday Madaxweynaha Puntland waxaan Maanta si rasmi ah u mamnuucay Isticmaalka Bacaha madow ee Gaadiidka,waxaana sharcigu u ogalyahay inay isticmaalan
Madaxda Sare iyo ku xigeenadooda oo kaliya".

Ugu Danbaytii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in cidii Shacabka ka mid ah oo  warbixin  Amniga ku saabsan oo booliska la wadaagta la galindoona warixintiisa
gacan amni ah,isla markaana aysan waxba uga imaadoonin ,lana
abaalmarindoono.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya