
Isniin, Diseembar 19, 2016 [HOL]-Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland ayaa korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah oo halkaa ka hooray xalay.
Sidoo kale ayaa roobabkaasi saameeyeen habsamidii korontada ee gobolada Sool iyo Gardafuu. Gobolada kale ee roobabku korontada ay waxyeeleeyeen ayaa ah Bari, Karkaar iyo Nugaal.
Goboladaa oo xilliyadii lasoo dhaafay roobab aysan ka da'in ama ay ku yaraayeen sidaa darteedna abaaro ka jireen ayaa waxaa haatan qeybo badan oo ka tirsan laga soo sheegayaa inay roobab lagu qabowsaday ay ka hooreen.
Boosaaso ayaa maanta korontada laga damiyay ayadoo laga cabsi qabo in roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya qeybo ka tirsan Puntland ay waxyeeleeyaan.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]