Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan [Sawiro]
Isniini, December, 19, 2016 (HOL) - Deeq dawo ah oo ka timid madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si wax looga qabto cudurka shuban biyoodka ayaa maanta lagu wareejiyay maamulka gobolka
Hiiraan.
Saraakiil ka soctay safaarada Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in dawadan oo u badan kuwa lagula tacaalo cudurka shubka biyoodka loo kala diro doono guud ahaanba degmooyinka gobolka Hiiraan iyo deegaannada uu cudurka ka dilaacay.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo ka gudoomay deeqday dowladda Jabuuti ayaa siweyn uga mahad celiyay, iyaga oo sheegay in kaalmadan ku soo aaday waqti siweyn loogu baahnaa, islamarkaana fara
ba’an uu cudurkan ku hayo dadka ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah gobolka.
Sidoo kale waxaa dhinacooda deeqda ka timid madaxweynaha dalka Jabuuti ka mahad celiyay waxgaradka iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Beledweyne oo goob joog u ahaa wareejinta dawada.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dowladda Jabuuti gacan uga geysato wax ka qabashada xaalada caafimaad ee gobolka, hasse ahaatee deeqdan ayaa la oran karaa waxaa ay ku soo aadan xili siweyn
loogu baahnaa oo dad badan uu soo ridanayo cudurka shubanka meellaha qaarna dhimasho uu sababay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Gaari dad la jiirsiiyay suuq weyn oo ku yaala dalka Jarmalka
- Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay [Sawiro]
- Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool
- Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo gaaray degmada Buuhoodle
- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood
- Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda
- Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland oo korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah
- Akhriso magacyada xildhibaanada gobollada W/qooyi ee Muqdisho lagu doortay
- Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha
- CPJ: Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saxafiyiinta caalamka oo dhan oo hoos u dhacay
- Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa
- Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir
- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo maanta dib u bilaabaneysa
- Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay dilka 11 ruux oo lagu eedeynayo ciidammada AMISOM [Sawiro]






