Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo gaaray degmada Buuhoodle
Isniin, December, 19, 2016 (HOL) – Degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Shaxda ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in safarkiisa uu ugu kuur galayo xaalada abaareed ee ka jirta deegaanadan, isaga oo sheegay in dowladda uu hogaamiyo si weyn uga qeyb-qaadan doonto taakulaynta dadka ku tabaaleysan deegaannada ay abaarta ku dhufatay.
Cabdi Max’uud Cumar ayaa intii uu deegaanka ku sugnaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha SSC oo uu ka mid yahay Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyo waxgaradka deegaanka.
Ugu danbeyntii, booqashadan madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku tago Buuhoodle.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood. Sool
More News
- Gaari dad la jiirsiiyay suuq weyn oo ku yaala dalka Jarmalka
- Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay [Sawiro]
- Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool
- Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan [Sawiro]
- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood
- Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda
- Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland oo korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah
- Akhriso magacyada xildhibaanada gobollada W/qooyi ee Muqdisho lagu doortay
- Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha
- CPJ: Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saxafiyiinta caalamka oo dhan oo hoos u dhacay
- Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa
- Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir
- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo maanta dib u bilaabaneysa
- Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay dilka 11 ruux oo lagu eedeynayo ciidammada AMISOM [Sawiro]






