XASAN Abshir Faarax: Hiiraan waxay u Qalantaa in laga dhigo labo Gobol


Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Xasan Abshir Faarax oo ah Siyaasi Soomaaliyeed, jagooyin kala duwanna ka soo qabtay Dowladihii Dalka soo maray, isla markana soo noqday Duqii hore ee gobolka Banaadir dowladdii Kacaanka, ayaa sheegay gobolka Hiiraan u qalanto labo gobol.

Isagoo ka Qayb-galayay Dood ku saabsaneyd War-murtiyeedkii Maanta kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran, ayuu sheegay in Dowladdii Kacaanka sida uu yiri meel ka dhac u Geysatay Gobolka Hiiraan, kaddib markii laga reebay ayuu yiri toddobadkii Gobol kale ee Soomaaliya loo qeybiyay min labo ilaa saddex gobol.

"Annigu, Waxaan u arkaa Arrinta maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe mid lagu Dulminayo Gobolka Hiiraan, Maxaa yeelay Hiiraan waxay u Qalantaa labo gobol, dowladda hada jirtana ma ogola, '' ayuu yiri Xassan Abshir Faarax.

Laakiin wasiiru-dowlaha arimaha dibada DF Khaalid Cumar Cali oo dooda qeyb ka ahaa ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya dhigayo 18 gobol, isla markaana labad Gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe qeyb ka yihiin gobollada ku qeexan dastuurka, isaga oo sheegay haddii ay jirto tabasho ay qabaan reer Hiiraan tahay in lagu eedeeyo dowladdii Kacaan.

Balse Xassan Abshir Faarax, ayaa dhinaciisa sheegay in haddii uu jirray qalad horay loo galay waajib saaran tahay in ay saxdo dowladda xiligan jirta.

"Mas'uuliyiinta dowladda marar badan ayeey tageen magaalada Beledweyne, wax natiijo ah oo ay ka keeneen ma jirto, anniga waxaan wada hadalnay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif wuxuu ii sheegay in mar walba mas'uuliyiinta dowladda sheegeen in iyaga laga war-sugo, mana jirto illaa iyo hadda jawaab ay bixiyeen," ayuu yiri Xasan Abshir.

Ugu dambeyn, Dooda qodobkan la xiriira ayaa imaneysa xili war-murtiyeedkii maanta laga soo saaray fadhigii Madasha lagu War-galiyay Xukuumadda Federaalka Somalia inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo Gunaanado dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya