Maydka Nin 50- sano jir ah oo laga helay Baraag ku taalla degmada Burtinle (SAWIRRO)

Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Maamulka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay maydka nin 50-sano jir ah oo laga dhex-helay barkad biyaha lagu kaydiyo oo ku taala duleedka degmadaas ,waxaana sida la sheegay ninkan soo arkay dumar iyo caruur ka ag dhawaa halka ay ku taallo Barkaddu.

Taliye ku xigeenka booliska degmadaas Dhame Maxamuud Muuse ayaa sheegay in aan la ogayn sababaha keenay geerida ninkan, waxaana uu sheegay in boolisku u wado- baaritaanno la xiriira arintan ,isaga oo beeniyay in lagu dhex-dilay biyaha gudahooda.

"Dad baa waxa ay yiraahdeen ninkan isaga oo xir-xiran ayaa  meesha lagu riday ,waxaan idin cadaynayaa in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin " ayuu yiri taliyaha oo la hadlay warbaahinta gudaha.

"Ma jirin wax dhaawac ah oo jirkiisa ku yaalay oo aan ka ahayn in waqti badan uu biyaha ku dhex-jiray ,mana xir-xirnayn " ayuu mar kale yiri Dhame oo tilmaamay in goor danbe oo maanta ah lagu aasay qabuuraha degmada.

Taliyaha ma uusan sheegin magaca marxuumka oo loo malaynayo in uu biyaha ku dhacay xilli habeen ah ,waxaana la sheegay in muddo asbuuc ah uu ku jiray barkadaas, taasi oo keentay in qaybo kamid ah jirkiisa uu murxo.

Ugu danbayn ,Degmada Burtinle ayaanan lahayn wax biyo gelin ah ,waxaana dadka deegaanka ay aad u adeegsadaan baraagaha , oo mararka qaar sababta geerida caruurta iyo dadka waayeelka ah ee ku nool deegaankaas.

Faysal M. Hassan
[email protected]