
Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland, ayaa shalay ku dhawaaqday natiijada imtixaanka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Puntland oo sixitaankiisa dhawaan laso gaba-gabeeyay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Sannadkan ay imtixaanka u fariisteen 7,821 oo arday ku kala sugan dhamaan Degmooyinka Puntland, waxaana imtixaankan qaaday 120 macallin oo ka howl-gala Degmooyinka Puntland.
Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abshir Ow Yuusuf Ciise ayaa u sheegay warbaahinta inay dhaceen 403-arday, halka ardayda intooda kale ay ku baaseen kaalmo isku xig-xiga, wuxuuna intaas raaciyay in imtixaanka aysan u fariisan 129-arday oo maqanaa.
Dhanka kale, Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa go'aan kasoo saartay Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee tuulada Qarxis ee gobalka Nugaal oo qaar ka mid ah ardayda dhigta ay jabsadeen Imtixaanka Dugsida Hoose iyo Dhexe ee Puntland ka hor inta aanan la gelin Imtixaanka Sannadkan.
Ugu dambeyn, Natiijada Imtixaanka Iskuullada Puntland ee lasoo bandihgay shalay ayaa ah mid ardaydu keeneen natiijooyin wanaagsan, waxayna u gudbayaan dugsiyada sare.
AKHRISO, Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Maamulka Puntland;..jpg)
.jpg)
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
E-mail: [email protected]
Garowe, Puntland, Soomaaliya