Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Kulankaan oo ahaa mid ay Aragtidooda ku wadaagayeen aqoon-yahannadii ka qayb-galay, ayaa waxaa looga dooday Qodobbo ay ka mid yihiin, Doorashooyinka, Dib u dhiska, Dhaqaalaha, Siyaasadda Dibadda, Nabadaynta iyo Hiigsiga Mustaqbalka Somalia.
Qurba-joogta oo lagu tilmaamo dad waxbadan ku soo kordhiyay Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay door muuqda ka ciyaareen sidii Soomaaliya loo soo celin lahaa, lakin marka loo eego dhinacyada siyaasada ayay qurba joog badan aaminsanyihiin in hanaanka siyaasada Soomaaliya ay muhiim tahay in wax laga badalo iyada oo la eegayo marxaladaha jira.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr. Ali Sa'id Faqi oo marxalada dalka ka sheekaynayay ayaa muujiyay jiritaanka Rajo wanaagsan iyo is badal isaga oo dhanka kale xusay in Soomaaliya ay ka timid meel fog.
Dr. Abdinur Sh. Mohamed Wasiirkii hore ee waxbarashada Dowladii Farmaajo oo dhankiisa ka hadlayay kulankan waxa uu muujiyay in Isbadal loo bahanyahay xiligan iyo in dalka & dadka loo naxo iyada oo laga taxadarayo doorashooyinka soo fooleh iyada oo shacabka laga siinayo door muuqda si ay u dareemaan in iyagu lafdhabar u yihiin isbadalka.
Wuxuu sidoo kale muujiyay walaaca ay dadbadan ka qabaan doorashooyinka soo socda iyo sida ay hab xalaal ah ugu dhici karaan.
Duqii hore ee magaalada Muqdisho xiligii dowladii Dhexe Abdilahi Salad ayaa dhankiisa ka wal walsan Hanaanka Gobolaysiga iyo sida dad badan oo Soomaaliyeed ay ugu dulmanyihiin halka gobolada qaar ay dhexda u galeen qal qal Bulsho iyo is aaminaad xumo, waxa uuna ku taliyay in hadii la helo Soomaaliya nabad ah la isku soo celin karo gabi ahaan dalka lakin marka hore loo bahanyahay in amniga laga shaqeeyo.
Ruqiya Mohamed Kusow oo ah gabar u ololeysa arimaha Bulshada oo ka mid ahayd dadkii meesha ka hadlay ayaa waxa ay si weyn ugu xeel dheeraatay dhibaatada dalka ka jirta iyo in Soomaalinimadii laga doortay Qabiil taasina ay horseeday in lakala aamin baxo, waxayna talo ahaan ku soo jeedisay in xukunka dalka lagu tijaabiyo Haweenka mar hadii Ragu ka soo bixi wayay xal u helida mushkilada dalka.
Qareen Abdiwahid Abdilahi Warsame oo ka mid ahaa aqoonyahankii kulankan ka hadlay ayaa madaxda Madasha qaran waxa uu ugu baaqay in ay dhinacyo badan wax ka eegaan gaar ahaan Amniga iyo kala danbayntu in aysan dib u laaban.
"Haddii doorashadan si cadaalad ah oo xalaal ah loo qabto waxay horseedi kartaa Soomaaliya cusub hadii wadiiqaha saxdaa laga leexiyana waxaan u laaban doonaa halkii aan ka nimi" ayuu hadalkiisa sii raaciyay qareenku.
Ugu dambeyn, Kulankan oo mudo saacadaa socday waxaa uu ahaa mid xiiso gooniya xanbaarsan dadkuna aad ugu riyaaqayeen mar hadii la isku raacsan yahay in isbadal la sameeyo.
Deeqo Sonna, Hiiraan Online
[email protected]
Columbus, Ohio, Mareykanka