Golaha Wakiillada Somaliland oo Meel-mariyay Maanta Heshiiskii Dekedda Berbera (SAWIRO)


Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey heshiishka maalgashiga dekadda Berbera oo shalay dood adag ka yeeshay.

Maanta oo loo balansanaa in doodddu sii socota ayaa xidlhibaabadda muxaafadka ah ee taageersanaa heshiishkan soo dadajiyeen in cod la galiyo, maadaama oo intoodda badan wada taageersan yihiin, sidaasna loo soo gaabiyo doodii dheereed ee heshiishkan ku saabsana, taasina waxay keentay in isla markiiba cod la galiyo sidaasna aqlabiyaddi ku meelmarisay heshiishka dekada Berebra.

Kal-fadhigan maanta waxa shirgudoominayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa sheegay in xildhibaanadda ka soo xaadiray hoolka golaha ay ahaayeen 74 xildhibaan, waxaana ogolaaday heshiishka 69 xildhibaan, afar xildhibaanna way diideen, gudoomiyuhuna ma codeyn.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo kamid ah afarta xildhibaan ee aan ogolayn in la ansixiyo heshiishka ayaa shirgudoonka ku eedeeyey inay dadajiyeen ansixintiisa, isla markaana sheegay in golaha wakiiladu ceebi ka raacday ansixinta heshiishkaasi oo uu ku tilmaamay in aanu ahayn heshiish dhamaystiran.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanadda maanta ansixiyey ayaa waxa ka mid ahaa xildhibaanadddii shalay golaha ka soo jeedinayey in la celiyo heshiishkan, maadaama oo aanu ahayn mid dhamaystiran.

Inkastoo xukuumaddu marsiisatay heshiishkii ay rabtay in golaha u meel mariyo, hadase waxa hor yaala sidiii ay uga dhiicin lahayd dadka deegaanka oo iyagu si weyn uga soo horjeedda iyo muruqmaala dakadda oo iyaguna aan ogolaynin shirkada lagu wareejiyo dekadda, waxaana jirtay kulan dhexmaray xubno wasiiro ah iyo muruqmaalka dekadda taas oo la isku afgaran waayey, isla markaana lagu kala kacay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland