Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay Dhismaha Xabsiyada iyo Daryeelka Maxaabiista ku xir-xiran saldhigayada iyo xabsiyada Galmudug, ayaa waxaa Gaalkacyo ku yeeshay maanta Saraakiil ka socatay Hay’adda UNDP, Xubno ka socatay wasaaradaha Ammaanka DF Somalia iyo Tan Maamul-goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ammaanka Galmdug iyo Mas'uuliyiinta kale oo ka socday Maamulka Gobalka Mudug.
Kulanka oo ahaa mid Albaabbadu u xirnaayeen ayaa intii uu uu socday waxaa lagu lafa-guray sidii la isaga garabsan lahaa dhameystirka dhismaha Xabsiga weyn ee Galmdug ee Gaalkacyo, kaasoo wali qabyo ah iyo sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada
Markii kulanku uu soo dhammaaday, ayaa waxaa Mas'uuliyiintu ay Kormeer ku tageen halka laga bilaabay dhismaha Xabsiga iyagoo u kuur-galayay halka uu marayo xabsiga. Kormeerka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah mas'uuliyiintii ka socatay Wasaaradaha Amniga Fadaraalka iyo iyo tan Galmdug.
Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Amniga maamulka Galmdug Cabdullaahi Axmed Calasow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay wixii iyaga Wafdigan ay isla gaareen, isagoo xusay inay ka mid ahaayeen; In la sameeyo Xog fiican oo ku aaddan qaabkii looga hor-tegi lahaa xag-jirnimada Adduunka ku sii baahaysa, gaar ahaana Bariga Afrika ama Somalia. Wuxuuna intaas ku daray in Goobta ay joogaan oo ah xabsi ay dhiseen ganacsato reer Galmdug ah oo qabyo ah, waxaana ka codsanaya inay noo dhameystiraan dhismaha xabsigaan oo aas-aas u noqon kara Galmdug.
Agaasimaha Dhaqan-celinta Malleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia, Maalik C/lla ayaa isagana dhankiisa faah-faahin ka bixiyay doorka ay ka qaadanayaan ka Wasaarad ahaan qorshaha dhismaha xabsiga iyo daryeelka maxaabiista.
"Maanta waxaan joognaa Galmdug innagoo ka qeyb-qaadanayna sidii Amniga loo xoojin lahaa, gaar ahaan xabsigan oo loo Diyaarinayo Galmudug, innaguna Waxaan Qaabilsan-nahay Barnaamijka lagu Dhaqan-celinayo Malleeshiyaadka oo si xowli ah uga socda dalka oo dhan," ayuu yiri Maalik C/lla..
Ugu dambeyn, Inkastoo aysan ahayn markii u horreysay oo Saraakiil ka socata Hay’adaha Qaramada Midoobay ay Kulan looga Hadlayo Dhismaha iyo Dhameystirka Xabsiga Galmudug ee Gaalkacyo la Qaataan Madaxda Galmudug, ayaa haddana aysan suuro-galin in la dhameystiro Xabsigan.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)