Erdogan oo kulan la leh Putin gudaha Ruushka si xiriirka Turkiga iyo Ruushka loo hagaajiyo

Talaado, Agoosto 09, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa kusugan dalka Ruushka halkaas oo uu kula leeyahay wadahadalo dhiggiisa madaxweynaha Ruuskha Vladimir Putin.

Erdogan ayaa waxaa aad usoo jiitay taageerada uu Putin la garab istaagay Turkiga tan iyo markii bishii lasoo dhaafay uu dhacay afgambi dhicisoobay dalkaasi Turkiga.

Xiriirka labada dal ayaa muddo xumaa taasoo ay sabab u ahayd soo riditaan Turkigu soo riday diyuurad kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay dhawaan markii ay kusoo xadgudubtay hawada Turkiga. 

Soo cusbooneysiinta xiriirka labada dal ayaa waxaa u sabab ah ama la dhihi karaa waa u sabab ayadoo reer Galbeedku labada dalba uu gacan bidixeynayo. Turkiga ayaa reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen abaabulka afgambiga iyo taageerida Fethullah Gulen iyo xulufadiisa oo mucaarad ku ah dawlada Erdogan ee Ankara.

Kadib markii diyaarada Ruushka lasoo riday ayaa Ruushku cunaqabatayn dhaqaale kusoo rogay Turkiga asagoo joojiyay dadkii Ruushka ee Turkiga dalxiiska u imaan jiray.

Wadahadalada maanta labada masuul uga socda Moscow ayaa lagu soo nooleynayaa xiriirkii ganacsi iyo iskaashi ee labada dal.

Sidoo kale ayaa la damacsan yahay in lagu soo celiyo safaradii dadka dalxiiseyaasha ah ee Turkiga uga imaan jiray Ruushka.

Sidoo kale ayaa waxaa ay damacsan yihiin inay mawqif isku mid ah ka wada qaataan dagaalka iyo siyaasada Suuriya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]