Maxaa Sabab u ah Fadhiidnimada Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe? FAALLO


Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii 08-dii Bishii August ee Sannadkii 2015, Magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigayay dhismaha maamul-goboleed ka dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka kala socday beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia ayaa isla maalintaas kusoo Ban-dhigtay xafladdii saxiixa hishiiska Jadwal Hawleedka dhismaha maamulka labada gobol oo qorshuhu ahaa in lagu soo gunaanaday 01-da bisha September illaa laga gaarayo 01-da December 2015-ka, taas oo macnaheedu ahaa in muddo afar bilood ah lagu soo dhameystiro dhismaha maamulka.

''Balse Jadwalkaas ma noqon mid shaqeeya oo wixii waqtigaas ka dambeeyayba, waxaa Aloosmay khilaaf siyaasadeed ka dhashay habka dowladda ay u maamuleyso dhismaha maamulka labada gobol, ilaa markii dambe Madaxweynuhu uu soo saaro Wareegto muran badan dhalisay oo lagu sheegay in magaalada Jowhar lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka labada gobol, halka Magaalada Buula-burte loo caleemo saaray xarunta Dowlad-gobolleedka labada gobol."

Inkastoo la dhihi karo geeridii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Qayb weyn ayay ka ahayd dib u dhaca ku yimid shirka, haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan khilaaf siyaasadeedkii adkaa ee wixii xiligaa ka danbeeyay ka dhax--aloosmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo dowladda federaalka, kaddib markii Ugaaska uu ganafka ku dhuftay dhamaanba qorshihii dowladda ay u dhigtay dhismaha maamulka, taasoo keentay in ay fashilmaan kulamo iyo wada hadalo la doonayay in arintaa lagu xaliyo.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo safar is daba joog ah ku tagay magaalada Beledweyne ayaa ku guul-dareystay wada-hadallo uu la yeeshay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ku dooday in Dib looga laabto Wareegtada, isla markaana shirka la doonayo in  maamulka loogu dhiso labada gobol loosoo Wareejiyo Magaalada Beledweyne, Taas oo u Cuntami weyday Madaxweynaha Soomaaliya..

Khilaafka Siyaasadeed oo mar marba marka kasii dambeysay sii adkaanayay ayaa xal u helidiisa, siddoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka soctay UNka oo tiro dhowr jeer ah kulamo toos ah iyo kuwo dadban la yeeshay duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku adkeystay in marka hore xal loo tabashadooda ah saamiga gobolka Hiiraan uu wax ku qaadanayo marka ay timaado awood-qeybsiga uu noqdo labo gobol iyo in shirka laga soo wareejiyo magaalada Jowhar.

23-kii bishii April ee sanadkan 2016 ayaa go'aan ka soo baxay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in muddo 45 casho ah lagu soo Gaba-gabeeyo dhismaha maamulka.

Laakiin go'aankaasi baarlamaanka ma uusan noqon mid shaqeeya oo waxaa sii xoogeystay khilaafka oo gaaray heer markii danbe dowladda federaalka u baahato gacan saddexaad oo dhax--dhaxaadin ka gasha khilaafka kala dhaxeeya duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaana qorshaha dhismaha maamulka la wareegay urur gobolleedka IGAD.

12-kii Juun ee Sannadkaan, ayaa waxaa Safar ku tagay Beleweyne Danjiraha Urur-goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey iyo Jen. Gabre oo kulankoodii ugu horeeyay la yeeshay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Balse, kulankii ugu ballaarnaa ee ururka IGAD iyo Duubabka dhaqanka Hiiraan ayaa dhacay 12 July ee sanadkan, kaasoo ugu danbeyntii ku soo dhamadaay is afgarad la'aan, kaddib markii leysku fahmi waayay dhamaanba qodobadii laga wadda hadlay, taasoo soo afjartay rajo kasta oo laga qabay in la soo gabagabeeyo qorshaha dhismaha maamulka ay ku midoobaan labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Doodda siyaasadeed ee Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan gaar ahaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa hadda u muuqata mid ka gudubtay dhismaha maamulka labada gobol, kaddib shir jaraa'id oo dhawaan ay ku qabteen magaalada Beledweyne oo ay ku dhaliileen qorshe howleedka doorasho ee dalka, iyaga oo siweyn uga biyo diiday afarta xubnood ee gobolka Hiiraan laga siiyay aqalka sare ee dalka.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa siweyn u badneyd hadal heynta ah in mar kale dib loo furayo shirkii Jowhar, walow ilaa iyo hadda uusan furmi shirka.

War-murtiyeedkii maanta ka soo baxay madasha-wadda-tashiga, ayaa siddoo kale waxaa qeyb ka ahaa qodob ku boorinayay dowladda in sida ugu Dhaqso badan loo soo dhameytiro dhismaha maamulka Hiiraan & Shabeellada dhexe.

Ugu dambeyn, dad badan ayaa qaba inaan dhismaha maamul aan wali la isku raacsanayn inuu keeni karo khilaafka oo sii adkaada iyo maamulo is diidan oo marka danbe laga yaabo in ay is garab shaqeeyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya