Beel ka mid ah kuwa Soomaaliyeed oo Imaamkoodii ku Caleemo-saaratay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, August 09, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu caleemo-saarayay Imaamka Beesha Ajuuraan, Imaamka Caabduqaadir Maxamuud Sh. Muxumed oo ay qayb-galeen Ugaaso, Salaadiin, Garaadyo, Nabadoono, Culima’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo marti-sharaf kale ayaa ka dhacday Muqdisho.

Munaasabada waxaa ugu horreyn ka hadlya Maxamuud Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada xafladda, isagoo ku dheeraadey Taariikhdii Imaamyadii ay lahayd Beesha, wuxuuna xusay in Imaamkaani uu yahay kii 10-aad, taasina waxay ku Tusineysaa buu yiri in imaamyadu ay ahaayeen kuwo soo jireen ah.

Ugaas Maxamed Bashiir oo sidoo kale ka hadlay Munaasbadda ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan Imaamka Beesha Ajuuraan, isagoo ku Tilaamay inuu yahay Imaam isku keeni kara Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay kala joogaan.

Xubnhii kale ee xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Shariif Cali Xasan, Malaaq Abuukar Caddow, Suldaan Axmed Maxamed Cali iyo Suldaan Cali Sheekh Aadan, waxayna dhammaantood soo dhaweeyaan Imaamka Beesha Ajuuraan ee la Caleemo-saaray, waxayna ka dalbadeen inuu si Cadaalad ah ku hoggaamiyo Beesha.

Ugu dambeyn, Waxaa xafladda ka hadlay Imaamka Beesha Ajuuraan, Imaam Cabduqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed, Mahad-celin kaddib Wuxuu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu u Is-taagayo Midnimadda Ummadda, isagoo ka codsaday odoyaasha dhaqanka inay la shaqeeyaan iyadoo intii ay xafladdu socotay waxaa halkaas lagu soo bandhigay suugaan kala duwan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya