Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka maamulka Koonfur-galbeed, Maxamed Xasan Fiqi ahna ku simaha madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa maanta kaga dhawaaqay Baydhabo guddi u xil-saaran aaska marxuum xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaasade oo ku geeriyoday saaka Muqdisho.
Xildhibaan Xaabsade ayaa lagu wadaa in lagu aaso Baydhabo, isagoo xalay Muqdisho ugu geeriyooday xanuun kusoo booday, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa ku dhashay deegaanka Tooswiine oo degmada Berdaale ee gobolka Bay ka tirsan, isgoo dhashay sannadkii 1953-kii. Isagoo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenkii labaad ee ururkii RRA.
Afhayeenkii hore ee RRA, Maxmed Aadan Qalinle ayaa taariikhdii Xaabsade ka sheekeeyay, iyadoo guddiga loo saaray aaska Xaabsade ay ka mid yihiin xubnaha maamulka Koonfur-galbeed.
Kulankii maanta lagu magacaabayay guddiga aaska Xaabsade ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madoobe Nuunoow Maxamed iyo qaar ka tirsan xubnaha wasiirrada maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed.
Hiiraan Online, Baydhabo