XASAN: Mar kale ayaan soo dhaweynayaa Saaxiibtinimada Inaga iyo Turkiga

Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan saaxiibtinimada nagala dhexeysa walaalaheenna Turkiga, isagoo xusay in dalka Turkiga ay sii wadayaan mashaariicda ay ka hirgelinayaan Somalia.

Xasan Sheekh ayaa si weyn uga mahadceliyay doorka weyn ee dowladda iyo shacabka Turkiga ka geysanayaan gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya, isagoo qiray sida Turkiga ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, xitaa xilliyada ay khatarta jirto.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib Soomaaliya ugu soo dhoweyno madaxweyne Erdoğan. Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid qoto-dheer, laga soo billaabo qarnigii 16-aad, xilligaasoo uu jiray xiriir ka dhexeeya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo saldanadii Adel ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo intaas ku daray. “Maanta oo aan joogno, dowladda Turkiga waxay si cabsi la’aan ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay horumar ay Somalia ku tallaabsatay. Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama hagaagto si ay maal-gashi u sameeyaan, balse maal-gashigooda waa mid gacan weyn ka geysanaya in la abuuro xaalado keena wanaag, xasillooni iyo kobac dhanka dhaqaalaha ah. Saaxiibtinimada iyo taageerada dalka Turkigu u muujiyay Soomaaliya waa arrin la xusi doono weligeed.”

Dowladda Turkiga oo kaashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, waxay Soomaaliya ka billaabeen mashaariix horumarineed oo kala duwan iyo kuwo la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa caafimaadka, daryeelka nadaafadda, dib u dhiska isbitaallada, wadddooyinka iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Aadan Caddde. Waxaa iyadana dib loo dhisay masaajiddo horey ugu burburay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, waqtigan la joogana waxaa jira Smaali badan oo wax ku barata Turkiga.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dib u dhiska Soomaaliya, isagoo ka mahadceliyay mashaariicda maanta ay dib u fureen isaga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya