
Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Xildhibaan Max'ed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka Muqdisho ku geeriyooday, kaddib xanuun xalay maqribkii kusoo booday sida ay qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka u sheegeen warbaahinta gudaha.
Marxuum Xaabsade ayaa ku geeriyooday isbitaal ay Turkigu leeyihiin oo lagu magacabo DEVA kuna yaalla magaalada Muqdisho ku leeyihiin Muqdisho, halkaasoo xalay markii uu xanuunsaday la dhigay, iyadoo lagu wado in isla maanta lagu aaso Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cumar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka si weynna ay isugu dhawaayeen marxuum Xaabsade ayaa sheegay in dhawaan Turkiga loo qaaday, kaddib markii uu xanuunsaday, balse uu caafimaadkiisu noqday mid wanaagsan, balse xalay maqribkii lagu soo booday.
“Maxamed Ibraahim Xaabsade, xalay maqribkii ayuu xanuun kusoo booday, waxaana la dhigay isbitaalka DEVA ee Turkiga, halkasoo uu saaka salaaddii subax ku geeriyooday,” ayuu yiri xildhibaan Isxaaq oo intaa ku daray in marxuumka la aasi doono maanta.
Geerida xildhibaanka ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu wado inuu maanta Muqdisho yimaado madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, isla markaana ay xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xaabsade ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalka ee Somalia, isagoo sidoo kalena ka mid ahaa xildhibaannada halka adag ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya.
Intii ay jireen dowladihii KMG ahaa xildhibaan Xaabsade wuxuu ka mid ahaa xubnihii ku jiray baarlamaannadii dowladahaas, isagoo ka mid ahaa xubnihii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka dowladda hadda jirta, laakiin dadaal badan kaddib loo ogolaaday inay ku biiraan.
Dhanka kale, marxuum Xaabsade ayaa horay u soo qabtay jagooyin kala duwan oo heer wasiir ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inuu horay u soo noqday wasiirkii beeraha dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya.
Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay xildhibaanno fara badan oo ka tirsan baarlmaanka Soomaaliya, iyadoo aysan weli madaxda Somalia ka hadlin geerida marxuumkan ku timid.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya